Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta Madaxtooyada Baydhabo kulan isugu jira sagootin iyo qado sharaf ugu sameeyay Taliyaha Qaybta 3aad, Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, General Teklu Hurisa Janka.
General Janka, oo ah Sarkaal Militariga Itoobiya ka tirsan ayaa soo geba-gabeeyay howlihiisa shaqo ee Somaliya, gaar ahaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo lagu soo bedelay General Hashim Mohammed Chikula.
“Kulanka ayaa lagu sagootinayay Taliyihii hore, iyadoo Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed uu uga mahadceliyay adeeggii iyo dadaalkii uu muddadii uu xilka hayay ku bixiyey xoojinta amniga, xasilloonida iyo wada-shaqaynta u dhexeysay Ciidanka AUSSOM iyo hay’adaha amniga Dowladda Koonfur Galbeed.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Aadan Madoobe ayaa dhanka kale soo dhaweeyay Taliyaha cusub ee Qaybta 3aad ee Hawlgalka AUSSOM, isagoo u rajeeyay baa warka lagu yiri inuu si wanaagsan u gudan doono waajibaadka loo igmaday, isla-markaana uu sii xoojin doono wada-shaqaynta ka dhexeysa AUSSOM iyo Koonfur Galbeed.
“Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ilaalinta nabadda iyo xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed iyo sii wadidda dadaalada lagu taageerayo Ciidamada Soomaaliyeed ee ka hawlgala deeganada Koonfur Galbeed.” Ayaa lagu yiri warka.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ee Xukuumadda Federaalka, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).
Wasiir Xasan Eelaay ayaa ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka ee ka tirsan Dowladda Somaliya, isla-markaana doorka weyn ku lahaa is bedelkii maamul ee ka dhacay Koonfur Galbeed.
