Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Maalgelinta ee Horumarinta Somaliya.
Shirka ayaa waxaa la sheegay inuu martigeliyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Somaliya ee SDRB.
“Shirka oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, ganacsato, maamuleyaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta taageerta horumarinta Somaliya ayaa lagu gorfeeyay fursadaha iyo baahiyaha maalgelinta horumarineed ee dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray, sidii Somaliya looga gudbin lahaa marxaladda dib-u-soo-kabashada, looguna gudbi lahaa koboc dhaqaale oo waara.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.
“Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Somaliya ay mudnaan siineyso maalgelinta horumarka waara, kobcinta wax soo-saarka gudaha iyo xoojinta doorka ganacsiyada gaarka loo leeyahay, si loo abuuro fursado shaqo iyo koboc dhaqaale oo waara.” Ayaa lagu sheegay warka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Hiigsiga Qaranka ee 2060 uu yahay jihada fog ee Somaliya ku gaari karto dhaqaale kobcaya iyo horumar waara, taas oo u baahan baa warka lagu sheegay maalgelin istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiyada.
Villa Somalia ayaa diiradda saareysa xoojinta iyo maalgelinta Hiigsiga Qaranka ee 2060, si loo gaaro dhaqaale madaxbannaan, iyadoona dhiirigelineysa ganacsiyada gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqooyin.
