Kooxo bulshada rayidka ah ayaa Sabtidan bannaanbax ka dhigay Magaalada Seoul, iyagoo ka soo horjeeda cadaadiska Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku hayo Dowladda Kuuriyada Koonfureed, si ay ciidamo ugu dirto Marinka Hormuz.
Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay agagaarka Xarunta Safaaradda Mareykanka ee Seoul, iyagoo ku qaylinaya ereyo ka dhan ah cadaadiska uu Trump ku saarayo madaxda sare ee dalkaasi inay diraan ciidamo ka qayb qaata hawlgal lagu gelbinayo maraakiibta maraya marin biyoodka Hormuz.
Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa toddobaadkii hore ku celiyay digniintooda ah inaanay Koonfurta Kuuriya ciidamo u soo dirin Hormuz, haddii kalena loo tixgelin doono inay qayb ka tahay dagaalka kala dhexeeya Mareykanka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sidoo kale dowladda dalkaasi uga digtay inay la kulmi doonto cawaaqib daran, haddii ay ciidamo u soo dirto ama ay ku milanto dhaqdhaqaaqa ay Ciidanka Badda Mareykanka ka wadaan meel u dhow Hormuz.
Madaxweyne Lee Jae Myung ayaa Jimcihii sheegay in dalkiisu aanu diri doonin wax ciidan ah, si aysan Seoul ugu lug yeelan iska horimaad lala galo Tehran. Hadalkiisa ayaa ka dambeeyay, ka dib maalmo ay bannaanbaxyo ka socdeen dalkaasi.
Ciidamada Iran ayaa xakameeyay isu socodka maraakiibta booyadaha shidaalka ee Hormuz, ka dib duulaankii wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Israel ay 28-kii bishii February ku qaadeen dalkaasi.
Maamulka Trump ayay caqabad ka haysataa, sidii loo soo celin lahaa xorriyadda socdaalka maraakiibta ee marin biyoodka ku yaala Gacanka Faaris, iyadoo dagaalka ka hor ay maraakiibtu si caadi ah u adeegsan jirtay marinkaasi.