Wednesday, September 23, 2026
Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray Taliska Sirdoonka Militariga

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray Taliska Sirdoonka Militariga

by Laacib

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa galabta kormeeray Xarunta Taliska Sirdoonka Militariga ama Taliska Sahanka iyo Sirdoonka ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la kulmay Madaxda Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhiga, iyadoona la sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta amniga Caasimadda Muqdisho iyo adkaynta difaaca dalka.

“Kusimaha Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay madaxda sare ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Gaashaandhiga, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta amniga Caasimadda Muqdisho, adkaynta difaaca iyo kor u qaadista wada-shaqaynta hay’adaha amniga iyo difaaca dalka.” Ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga wararka ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

“Intii uu socday kormeerka, Kusimaha Madaxweynaha waxaa ku weheliyay Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gudoomiyeyaasha Maxkamadda iyo Taliyaha Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa intaasi ku daray “Madaxda ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay xarumo cusub oo xabsi ah, kuwaas oo loogu talagalay xubnaha dembiileyaasha ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah horumarinta iyo tayeynta kaabeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 13-kii bishii September ee sanadkii hore daahfuray Xarunta Taliska Sahanka iyo Sirdoonka ee Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo loo dhisay qaab casri ah, iyadoona uu ujeedku ahaa in lagu xoojiyo awoodda difaaca iyo sugidda amniga qaranka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc