Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ee fariisimaha ku leh darafyada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar oo tan iyo 12-kii bishan ku sugan Baydhabo uu qoryaha boobeyaasha u qaybiyay askar ka tirsan Ciidanka Asluubta, isla-markaana loo daabulay meelaha laga soo galo xaafadaha Towfiiq iyo Suuqa Xoolaha ee magaaladaasi oo fariisimo cusub ay ka sameysteen.
Ciidamadan ayaa waxaa la sheegay in isku goob la dejiyay ciidamo ka tirsan kuwa Birmadka Koonfur Galbeed, iyadoo Ciidanka Asluubta ay yihiin ciidamo si gaar ah u qaabilsan ilaalinta xabsiyada iyo maxaabiista ku xiran.
“Waxaa go’aan lagu gaaray in Ciidamada Asluubta ay ka qayb qaataan difaaca magaalada, taasaa keentay in la geeyo meelaha laga soo galo magaalada.” Ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
“Hub iyo rasaas fiican ayaa dhowr cisho ka hor la siiyay Ciidamada Asluubta, waxayna hadda isku aag ka hawlgalaan ciidamo kale oo ka tirsan Birmadka Koonfur Galbeed.” Ayuu sii raaciyay Sarkaalkan oo Universaltv la hadlay, isla-markaana codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.
General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa Baydhabo u jooga xoojinta amniga magaalada, iskuna dubarido hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab iyo ciidamada u daacadda ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ciidamada taabacsan Laftagareen ku eedeeyay in ay ku milmeen maleeshiyada Shabaabka, inkastoo Laftagareen iyo siyaasiyiinta deegaanka ee ku aragtida ah ay eedeymahaasi beeniyeen.