Wararka ka imanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamadu ay magaaladaasi ka wadaan hawlgal ay si qarsoodi ah uga baadigoobayaan gaadiid la sheegay in lagu soo raray walxaha qarxa.
Wararka ayaa sheegaya in gaadiidkan magaalada la soo geliyay maalintii Isniinta, intii uu socday dagaalkii ay ku soo qaadeen ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo kaashanaya sida la sheegay maleeshiyada Al Shabaab.
“Baabuurta laga raadinayo magaalada waa shan, waxayna isugu jiraan Leyla Calaawi, Prado, Noha/noah, Caasi iyo gaari Iska-roge ah. Xogaha aan helnay waxay muujinayaan in maalintii dagaalka baabuurtan la soo geliyay mgaalada.” Ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda Koonfur Galbeed.
Sarkaalkan ayaa Universaltv u sheegay in ciidamada ay sidoo kale magaalada ka baadigoobayaan 10 nin oo la tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin xubnaha Al Shabaab ee ku qoran is qarxinta.
Waxa uu sheegay in hawlgalku uu qaab aan muuqan uga socdo magaalada, iyadoo laga fogaanayo in la argagax-geliyo dadka deegaanka.
“Ciidamada si dhow ayay ula socdaan dhammaan noocyada baabuurta ee laga shakisan yahay, iyagoo ka raadinaya xaafadaha, meelaha baabuurta la dhigto iyo garaashyada lagu sameeyo.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo diiday in la soo xigto, sababtoo ah fasax uma haysto inuu Warbaahinta la hadlo.
Dagaalkii ugu dambeeyay ee toddobaadkan ka dhacay Baydhabo, nin watay gaari Leyla Calaawi ahaa ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee Hotel RB, waxaana halkaasi ku dhintay inta la xaqiijiyay 15 qof.
Xulafada mucaaradka ee Laftagareen ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan dagaalka ay sheegeen inay dib ugu xoreynayaan Koonfur Galbeed.
Ciidamada taabacsan Laftagareen oo ku sugan bannaanada Baydhabo ayaa culeys amni ku haya magaaladaasi, oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.