Hay’adaha nabadgelyada ee Magaalada Baydhabo ayaa soo geba-gabeeyay baaritaanka gabadhii yareyd ee Jimcihii meydkeeda laga helay xaafadda Xaqsoor ee magaaladaasi.
Ikhlaas Ibraahim Amiin oo shan jir ahayd ayaa meydkeeda laga helay MCH ku dhegan hoygooda, ka dib 48 saac oo qoyskeeda ay baadigoobayeen.
Wararka ayaa sheegaya in dhakhaatiirta ay caddeeyeen in gabadhaasi la dilay, isla-markaana dilkeeda loo adeegsaday xarig lagu ceejiyay.
Booliska Baydhabo ayaa isla Jimcihii saddex qof u soo qabtay falkaasi, kuwaa oo isugu jira laba gabar iyo nin dhallinyaro oo waardiye ka ahaa xarunta caafimaad ee laga helay meydka Ikhlaas Ibraahim.
Ciidamada amniga ayaa toddobaadkan qof afaraad u soo xiray dilka gabadhaasi, kaas oo lagu sheegay in uu ahaa nin ceel ka qodaayay MCH-ka.
Sarkaal ka tirsan Booliska Baydhabo ayaa inoo sheegay in uu socdo qorshe eedeysaneyaasha loogu wareejinayo Jeelka Weyn ee Baydhabo, si halkaasi loogu sii hayo inta laga maxkamadeynayo.
Eedeysaneyaasha ayaa maalmihii u dambeeyay ku xirnaa Saldhigga Booliska Baydhabo.
Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo si dhow ula socday baaritaanka dhacdadan ayaa saraakiisha laamaha amniga culeys gaar ah ku saaray inaysan ka mashquulin oo la dedejiyo baaritaanka.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Koonfur Galbeed, Sahra Cismaan Axmed ayaa hay’adaha ammaanka ka dalbatay in ay sharciga horkeenaan ciddii dishay gabadhaasi yar.
Geerida Ikhlaas Ibraahim ayaa argagax ku abuurtay dadka reer Baydhabo iyo dhammaan dadkii baraha bulshada kala socday raadinteeda.