Militariga Yemen ayaa ku dhawaaqay inay dib ula wareegeen Magaalada Mokha ee ku taala Badda Cas, iyagoo wada hawlgal ballaaran oo ka dhan ah Xoogaga Xuutiyiinta.
Militariga ayaa war ay soo saareen ku sheegay in dagaalo ay ka dhaceen jihooyin dhowr ah oo u dhow Mokha, isla-markaana ay sababeen dhimashada iyo dhaawaca tiro ka mid ah xoogaga u dagaalama Xuutiyiinta.
Militariga ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka Sida oo xagga cirka uu Sacuudigu ka taageerayo ay qabsadeen Mokha.
Saraakiisha Militariga ayaa laga soo xigtay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dhowr dagaal-yahan oo ka tirsan Xuutiyiinta.
Ciidamada Dowladda Yemen ee caalamka uu aqoonsan yahay oo gacan ka helaya kuwa Sacuudiga ayaa Isniintan weerar ballaaran ku qaaday deegaanada ku teedsan xeebaha galbeed ee dalkaasi ee ay Xuutiyiintu la wareegeen bishii September.
Xoogaga Xuutiyiinta ayaa 10-kii September la wareegay gacan ku haynta magaalada dekedda leh ee Mokha, oo qiyaastii 75km dhanka waqooyi uga beegan marin biyoodka Bab El-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Ciidamada Yemen ayaa mar sii horreysay la wareegay magaalada yar ee lagu magacaabo Dhubab, taas oo ku taala afka Marinka Bab El-Mandeb, iyadoo marinkan uu muhiim u yahay sahayda tamarta caalamka.
Taliska Militariga Yemen ayaa sheegay in ciidamadu ay dib ula wareegeen goobo muhiim ah oo u dhow marin biyoodkan, iyadoona Wasaaradda Gaashaandhiga ay sheegtay in Xoogaga Xuutiyiinta ay dib ugu guranayaan dhulka buuraleyda.
Gulufka dhulka iyo cirka isugu jira ee lagu qaaday Xuutiyiinta ayuu ujeedkiisu ahaa in xoogagaasi lagaga saaro aagga marin biyoodka ay qabsadeen bishii hore.
Bab El-Mandeb waa marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah maraakiibta shidaalka iyo kuwa shixnadaha badeecadaha ee isugu kala goosha Asia, Yurub iyo Bariga Afrika.