Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Tardo oo Shabaab iyo dadka deegaanka ay ku dagaalameen

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Tardo oo Shabaab iyo dadka deegaanka ay ku dagaalameen

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab oo galabta dib ugu laabtay deegaanka Tardo ee bariga Gobolka Hiiraan ayaa caawa bandow ku soo rogay deegaankaasi, ka dib iska horimaadkii maanta ku dhex maray iyaga iyo dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay bilaabeen baaritaano iyo culeysyo ay saarayaan dadka shacabka ah, si ay u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa deegaanka, inkastoo inta badan dadka deegaanka ay isaga baxeen deegaankaasi, ka hor inta aysan Shabaabka dib ugu soo laaban.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Shabaabku ay duhurnimadii maanta banneeyeen deegaanka, ka dib markii afar nin ay kaga dhinteen iska horimaadkii ay kula galeen shacabka ku dhaqan deegaankaasi qaarkood.

Iska horimaadkan ayaa waxa uu ka dambeeyay, ka gadaal markii Shabaabku ay rasaas ku fureen dad isku dayay in ay ka celiyaan nin ay jirdil ugu gaysanayeen suuqa ku yaala deegaankaasi, kaas oo ay doonayeen inay ka qaadaan qori uu ku haystay goob ganacsi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in tacshiiraddaasi ay galaafatay nolosha saddex qof oo shacab ah oo goobta ku geeriyooday iyo dhaawaca toban kale, inkastoo laba ka mid ah dadkii dhaawacmay ay mar dambe u geeriyoodeen dhaawicii soo gaaray.

Tani oo ka sii carreysiisay dadka deegaanka oo qaarkood si qarsoodi ah hub ugu dhex haystay deegaankaasi ayaa ku dhiiraday inay iska horimaad la galaan maleeshiyada, iyagoona ka dilay afar nin.

Sarkaal ka tirsan Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa Universaltv u sheegay in ay la socdaan in Shabaabka ay caawa guryaha shacabka ka raadinayaan wax uun hub ah.

Iska horimaadkan ayaa noqonaya kii ugu horreyay ee deegaankaasi ku dhex mara Al Shabaab iyo dadka deegaanka, tan iyo markii Shabaabku ay 13-kii bishii July ee sanadkii hore la wareegeen gacan ku haynta Tardo.

Tardo ayaa waxay ka mid tahay deegaanada istiraatiijiga ah ee Gobolka Hiiraan, iyadoona xiriirisa Degmooyinka Jalalaqsi, Moqokori, Maxaas iyo Buuloburde.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc