Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka deegaanka Basra

Wararkii ugu dambeeyay hawlgalka deegaanka Basra

by Laacib

Hawlgalka la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaro deegaanka Basra oo u dhexeeya Magaalooyinka Afgooye iyo Balcad ayaa maanta galay toddobaadkii labaad, iyadoo weli maleeshiyada ay ka dagaalameyso deegaankaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa Arbacadii hore hawlgalo goos goos ah ka bilaabay deegaankaasi, inkastoo dagaalka ay ku wajahayaan Shabaabka uu xoogeystay Sabtidii, ka dib markii ay weerar ballaaran ku ekeeyeen fariisimaha iyo godadka ay horey uga qoteen agagaarka jiinka Webiga Shabelle ee deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ay sii wadaan gulufka militari ee ay maleeshiyada Shabaabka uga saarayaan godadka ay ka dhex dagaalamayaan.

Khubarada dhanka militariga ayaa dhalleeceynaya qaabka uu hawlgalku u socdo, oo ay u arkaan in aanu ahayn mid sax ah, iyagoo ku doodaya in Shabaabka culeys laga saarayo oo keliya dhinaca Muqdisho, isla-markaana aanu wax cadaadis ah ka haysan jihooyinka Afgooye iyo Balcad ama Wanlaweyn iyo Qalimow.

Khubarada ayaa ku talinaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu isku xiro ciidamada haatan hawlgalka ka wada Basra iyo kuwa kale ee ku kala sugan Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe, si Shabaabka aysan wax gurmad ah uga helin bannaanka deegaanka Basra.

Basra oo Shabaabka laga sifeeyo waxay muhiim u tahay sugidda amniga ee duleedka Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran ee hoostaga Labada Shabelle.

Basra oo ku taala xadka Gobolada Shabellooyinka, isla-markaana xiriirisa Balcad iyo Afgooye ayaa leh mihiimad weyn oo istiraatiiji ah.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qorsheynaya in marka uu hawlgalka guuleysto ay ciidamadu saldhigyo joogta ah ka sameystaan deegaankaasi, si looga hortago in kooxaha hubeysan ay dib ugu soo laabtaan.

Ma jirto cid sheegi karta goorta la soo geba-gabeen doono hawlgalka, balse hawlgalada sanadihii u dambeeyay laga sameeyay deegaanka ayaa ku soo idlaaday natiijo la’aan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc